Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd dowladda Soomaaliya arrimaha amniga, horumarka iyo hirgalinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 -2029).
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey xiriirka soo jireenka ah iyo taageerada joogtada ah ee dowladda Qatar ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.
Danjiraha dowladda Qatar, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
