MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaare Xamse oo xalay ka hadlayay xafladii lagu shaacinayay Xisbiga Cadaalada iyo Wada-jirka ayaa ugu baaqay mucaaradka Dowlada inay Dowalada kala shaqeeyaan sidii dalka loo bad baadin lahaa.
“mucaaradka waxaan leenahay na soo garab istaaga si aan dalka u wada bad-baadino”ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamsa
Mar uu ka hadlayay sababaha tahriibka iyo niyad jabka keena ayuu Ra’iisulwasaaruhu sheegay inay tahay amni xumada dalka ka jirta iyo nidaamka cajuuska ah ee 4.5 sida uu warka u dhigay
“si looga gud-bo caqabadaha,niyad jabka,tahriibka iyo amni xumida waa in la jeexo dariiq cusub oo looga baxo dhibaatooyinka aan soo sheegay,waa in dhalinyarada Somaliyeed loo ogolaado inay biyaha sacabadooda kaga dhargaan,waa inay iyagu madax noqdaan ama ay madaxdooda doortaan”ayuu yiri Xamza
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM