whitebackground600
HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza muxuu ka yiri munaasabadda xuska Maalinta Yurub+SAWIRRO

Ra’iisulwasaare Xamza muxuu ka yiri munaasabadda xuska Maalinta Yurub+SAWIRRO

May be an image of 3 people and text
Muqdisho, Isniin, 12 Maajo 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada, iyo horumarka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada, iyo dib-u-dhiska. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda.
“Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya. Hadal kaliya ma ahayn, balse ficil. Waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababaro ciidamo booliis ah, la horumariyo iskuullada, iyo in la taageero beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Mudane Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay hannaanka dowlad-dhisidda iyo dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo xusay in shirkii 11-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) ay kasoo baxeen go’aammo wax ku ool ah oo horumarinaya dalka. “Waxaan seeska u dhigaynaa hannaan doorasho oo loo dhanyahay, oo ka madax bannaan faragelin iyo cabsi. Wax fudud ma ahan, balse waxaan ognahay in dimuqraadiyaddu ay mudan tahay.”
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in hadafka dowladda uu yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dhammaan gobollada dalka. Waxa uu intaa ku daray in aanay jiri doonin doorasho dadban, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed go’aan ka gaari doonaan cidda hoggaamin doonta.May be an image of 6 people, suit and weddingMay be an image of 5 people and headscarfMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 person and text that says "እዲዮያ ደአደ/ 1ARMA រ 100 ማደዲያ .요소주 EUROPEAN UMION SOMALIA ALIA SOMALIA MAALA ዲደሳባ"May be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and eyewearMay be an image of 5 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 5 people, suit, eyewear and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people and textMay be an image of 3 people and eyewearMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 8 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -