HomeWarkiiRa'iisulwasaare Xamza oo si cajiib ah uga hadlay wadooyinka loo xirayo markey...

Ra’iisulwasaare Xamza oo si cajiib ah uga hadlay wadooyinka loo xirayo markey magaalada socod ku marayaan madaxda.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi-Barre ayaa markii ugu horeysay si cajiib ah wuxuu kaga hadlay wadooyinka loo xiro madaxda sar sare ee Dowlada marka ay Magaalada ku dhex socdaalayaan.

Xamsa oo xalay hadalo ka jeedinayay tacsida Ugaaska Beesha Saleebaan ayaa daboolka ka qaaday in sababta uu habeen madow buuga tacsida u soo saxiixay ay tahay saxmada magaalada ka jirta maalintii iyo inuu dhibsado wadooyinka madaxda dartood loo xirayo.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu cadeeyay in isaga shaqsiyan uu aad u dhibsaday wadooyinka bulshada laga xinayo islamarkaana uu aad u jeclaan lahaa in la iska daayo balse saraakiisha amniga qaabilsan ay diideen in la joojiyo wadooyinka la xirayo.

“hadii aan wadooyinka naloo xireyn,kormeero badan ayaan sameyn lahaa,sidoo kale bulshada ayaan la soo shaahi lahaa”ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in hadii uu socoda badiyo uu ka cabsanayo inuu bulshada habaar ka kasbado.

Wuxuu intaasi ku daray in isagu jeclaan lahainay magaalada baaskiilo ku maraan sida madaxda dunida qaarkood balse duruufaha amni ee dalka ka jira ay sababeen sida hada xaalku yahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -