Raysal-wasaare ku xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibriil Cabdirshiid ,Wasiiro katirsan Xukuumadda, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sameeyey kormeer ay ku qiimeynayeen khasaaraha ka dhashay Roobkii xooganaa ee xalay ka da’ay Caasimadda Dalka ee Muqdisho.
Masuuliyiintan oo si gaar ah u soo kormeeray burburka soo gaaray wadooyinka iyo xarumaha halbowlaha u ah Caasimadda ayaa bogaadiyey Howlwadeenada ka tirsan Ciidanka Boliiska, Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dadweynaha kale ee u taagnaa u gurmadida shacabka daadadkii soo rodmaday guryahooda ugu soo galeen,waxaana ay howlwadeenadaasi ku howlan yihiin biyo saarista wadooyinka si loo baneeyo goobaha isu socodka dadka iyo Gaadiidka muhiimka u ah.
















