HomeWarkiiRa'iisulwasaare xigeenka 2-aad oo maanta Muqdisho ka daah-furey shir ku saabsan saameynta...

Ra’iisulwasaare xigeenka 2-aad oo maanta Muqdisho ka daah-furey shir ku saabsan saameynta dhaqaale+SAWIRRO

Muqdisho, Arbaco, 21 Maajo 2025: –Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta daah-furay shir heerkiisu sarreeyo oo lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee xulashooyinka qaab-dhismeedka dastuurka Jamhuuriyadda.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in dib uuegista dastuurku ay mareyso heer wanaagsan, isla markaana afar cutub baarlamaanku horey u ansixiyey, shan kalena hadda ay hortaalo oo la tashiyadoodu soo dhammaadeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xukuumadda ay ka go’an tahay in ay dhammeystirto cutubyada harsan.
“Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an inay dhammeystirto dib u eegista dastuurka, waa mas’uuliyad ay dowladdu si sharci ah u leedahay waana ballan qaadeynaa inaan dhammeystirno cutubyada harsan” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka.
Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda arrimaha Dastuurka ayaa muhiim u ah qorshaha Xukuumadda ee dib u eegista dastuurka, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa bogaadiyey Wasaaradda iyo qubarada juhdiga galisay dib u eegista dastuurka.
——-DHAMMAAD——May be an image of 11 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -