
Ra’iisulwasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa door weyn uu muuqda ku leh shirka mucaaradka maalintii sedaxaaduga socda magaalad Muqdisho, xili hogaanka iyo mucaaradku xiligaan hardan adag ku jiraan madaama sanad wax ka yar u harsan tahay.
Xassan Cali Kheyre wuxuu ka mid yahay musharixiinta xilka madaxweynaha Somalia kuwooda ugu cad cad xili la ogyahay doorashadii 2022-kii Xasan sheekh ku soo baxay inuu kaalinta 4-aad ka galay Xasan Cali Kheyre oo shacbiyad badan iyo kalsooni ku dhex leh xildhibaanada.
Sidoo kale Xassan Cali Kheyre hada shirka socda wuxuu ku jiraa hogaanka siyaasiyiinta wada gulufka dowlada loogu cadaadinayo inay saxdo hab doorashooyinka soo socda si dalku fowdo u gelin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM







DAYNIILE.COM







