LONDON (DAYNIILE.COM)-Dowlada Britan ayaa muujisay sanad iyo bar kadib inaan la fiisan karin xasuuqa ciidamada Yuhuudu ka wadaan Gaza iyo caruuta gaajada u sii dhamaaneysa.
Raysal wasaaraha Ingiriiska, Sir Keir Starmer oo ka ka hadlay shieka Baarkanaanka dalkisa ayaa wajigiisa cara badan ka muujiyay mar uu soo hadal qaaday xaalada ka taagan marinka Gaza ee xasuuqa aan dhamaadka lahayn lagu hayo shacabka Falastiin.
Ra’iisulwasaaraha wuxuu ku tilmaamay wax aan loo dulqaadan Karin heerka dhibaatada ka jirta Qasa gaar ahaan carruurta oo gaajo iyo macaluul u sii baaba’aya.
Warka ka soo baxay Ra’iisulwasaaraha Britain ayaa sii xoojinaya go’aan dhawaan ay isla qaateen wadamada Canada,Faraansiiska iyo Britain kaasoo ay ku wada saxiixeen ayaan xooggan oo lagu cambaareynayo tallaabada ay Israa’iil ku ballaarisay milatarigeeda iyo dhibaatada joogtada ah ee ay ku hayaan shacabka Qaza.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM