HomeCiyaarahaReal Madrid oo calaamadsatay 3 daafac oo Premier League ka ciyaara.

Real Madrid oo calaamadsatay 3 daafac oo Premier League ka ciyaara.

XIGASHO KOOXDA.COM

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso xiddigaha ka ciyaara premier League ee Dean Huijsen oo u ciyaara kooxda Bournemouth, William Saliba oo u ciyaara Arsenal Iyo Ibrahima Konate oo u ciyaara Liverpool suuqa xagaaga.

Los Blancos ayaa isku diyaarinaysa waa cusub oo uu hogaamiyo Xabi Alonso kaas oo la filayo in uu badalo Carlo Ancelotti dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay siiso Alonso kooxda ugu fiican ee suurtogalka ah xilli ciyaareedkiisa ugu horeeya, waxaana udub dhexaad u ah daafaceeda mid u baahan in la xoojiyo ka hor xilli ciyaareedka 2025-26.

Xiddigaha Eder Militao, David Alaba iyo Antonio Rudiger oo dhamaantood dhaawacyo ku dhibaatooday sida ay ugu baahanyihiin xiddigo cusub.

Los Blancos ayaa u muuqata in ay calaamadsatay saddex daafac oo Premier League ah kuwaas oo bartilmaameed u noqon kara suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida laga soo xigtay saxafiga Fabrizio Romano, Real Madrid ayaa Huijsen, Saliba iyo Konate ku darsatay liiska seddexda ciyaaryahan oo daafaca dhexe ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -