XIGASHO LAACIB.NET
Vinicius Jr ayaa la filayaa inuu ku kasbado in ka badan €20 milyan sanadkii heshiiskiisa cusub ee Real Madrid, taasoo ka dhigeysa inuu la mid noqdo Kylian Mbappe oo ah ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kooxda.
Vinicius ayaa xilli ciyaareedkan la daalaa dhacayay qaab ciyaareed liita tan iyo markii uu seegay abaalmarinta Ballon d’Or, iyadoo Mbappe uu isagu noqday xiddiga ugu waxtarka badan weerarka. Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa weli u aragta Vinicius inuu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah kooxda.
Wararka ka imaanaya SPORT ayaa sheegaya in xiddiga reer Brazil uu codsaday mushaar gaaraya €30 milyan sanadkii. Inkasta oo Madrid ay caadi ahaan u xaddido mushaaraadka ciyaartoyda ilaa €15 milyan, haddana waxay u muuqataa in hadda ay diyaar u yihiin inay jebiyaan xeerkaas si ay u sii haystaan Vinicius.
Inkastoo uusan heli doonin qaddarka uu dalbaday, haddana warbixinadu waxay tilmaamayaan inuu heli doono mushaar ka badan €20 milyan sanadkii, taasoo ka dhigeysa inuu la mid noqdo Mbappe. Heshiiska cusub ayaa la filayaa inuu gaaro ilaa 2030, taasoo ku kordhinaysa joogitaankiisa kooxda saddex sano oo dheeri ah.
Real Madrid ayaa weli ku kalsoon Vinicius, waxayna rabaan inay kalsoonidaas muujiyaan iyagoo siinaya heshiiskan weyn. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sugayaa sida go’aankan uu u saameyn doono ciyaartoyda kale ee kooxda mustaqbalka.