XIGASHO LAACIB.NET
Weeraryahanka reer Brazil, Rodrygo, ayaa la soo warinayaa inuu u sheegay maamulka Real Madrid inuu doonayo inuu sii joogo kooxda, inkastoo dhawaan laga faafiyay warar aan u wanaagsaneyn dhegaha taageerayaasha Madrid.
Sida laga soo xigtay ilo ku dhow kooxda, Madrid ayaa haatan ka filaysa Rodrygo inuu muujiyo daacadnimadiisa garoonka dhexdiisa, gaar ahaan inta lagu jiro tartanka Club World Cup ee soo socda.
Rodrygo ayaan u safanin Real Madrid tan iyo finalkii Copa del Rey ee 26-kii May, markaasoo uu dhaawac aan la shaacin uga baxay ciyaarta waqtiga nasashada. Xulka Brazil-na uma eysan yeerin ciyaaraha soo socda si uu u helo waqti uu dib ugu soo kabto jir ahaan iyo maskax ahaan.
Ciyaaryahanka ayaa hore u sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Santiago Bernabéu, waxaana la aaminsan yahay inuu mar kale muujiyo go’aankiisa hoggaanka kooxda.
Tababaraha cusub Xabi Alonso ayaa ku daray Rodrygo qorshihiisa xilli ciyaareedka, iyadoo ciyaaryahanku haatan haysto muddo 45 maalmood ah oo uu ku caddeeynayo qiimihiisa, taasoo ka bilaabaneysa Club World Cup.