HomeCiyaarahaRonaldo oo sabab layaab leh ku seegay kulan Kooxdiisa ay la laheed...

Ronaldo oo sabab layaab leh ku seegay kulan Kooxdiisa ay la laheed Al Taawoun

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha kooxda Al-Nassr, Stefano Pioli, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu kabtankooda Cristiano Ronaldo uga maqnaa kulankii horyaalka Sacuudiga ee ay kooxdiisu la ciyaartay Al-Taawoun habeenkii Jimcaha.

Ronaldo ma uusan ciyaarin kulankii ay Al-Nassr barbaraha 1-1 ah la galeen Al-Taawoun garoonka Al-Awwal Park.

Goolasha waxaa kala dhaliyay Otávio oo u saftay Al-Nassr iyo R. Martínez oo u dhaliyay goolka Al-Taawoun, taasoo keentay in labada kooxood min hal dhibic helaan.

Ka dib ciyaarta, Stefano Pioli oo la hadlay saxaafadda ayaa yiri:

“Ronaldo wuu maqnaa sababtoo ah wuxuu la ildaran yahay hargab.”

Kooxda Al-Nassr waxay hadda ku jirtaa kaalinta 4-aad ee Saudi Pro League iyadoo leh 64 dhibcood kadib 32 kulan.

Knights of Najd ayaa durba fursad u weysay hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan, iyadoo Al-Ittihad horay loogu caleemo saaray horyaalka.

Ciyaarta xigta ee Al-Nassr ayaa dhici doonta Arbacada, waxayna la ciyaari doonaan kooxda Al-Khaleej.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -