XIGASHO LAACIB.NET
Rúben Amorim ayaa si cad u beeniyay dhammaan wararka suuqa kala iibsiga ee la xiriira Bruno Fernandes toddobaadkan.
Kooxda Sacuudiga ah ee Al Hilal ayaa la sheegay inay doonayso inay la saxiixato khadka dhexe ee Manchester United.
Markii laga hadlayay warkan, Amorim wuxuu yiri:
“Waxaan u malaynayaa inay sahlan tahay in la fahmo [murmanka suuqa], ma aha oo kaliya tirada lacagta, balse qaabka uu u ciyaaro.”
“Waa ciyaaryahan heer sare ah, annaguna waxaan u baahan-nahay ciyaartooy heer sare ah. Waa hoggaamiye, waa kabtanka kooxda.”
“Waa wax dabiici ah in dadku rabaan Bruno, laakiin annagu waxaan dooneynaa inaan sii heysanno. Wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican adduunka.”