HomeWarkiiPuntland oo shaacisay inay diyaarado dagaal soo iibsatay

Puntland oo shaacisay inay diyaarado dagaal soo iibsatay

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo dhanka Maamulka Puntland ayaa sheegaya inay soo iibsadeen diyaarado dagaal oo ay kula dagaalaan kooxda Daacish ee ay isku hayaan buuraha Gobolka Bari.

Taliska ciidamada Puntland ayaa laga soo xigtay inay 4 diyaarad oo nuuca dagaalka ah soo iibsadeen kuwaasoo 2 ka mida la soo gaarsiiyay Magaalo Xeebeedka Boosaaso ee Gobolka Bari.

Maamulka Puntland oo aan la ogeyn sida sharciyan ay diyaarad ku soo iibsan karaan madaama dalku Dowlad dhexe leeyahay ayaa hadana wali aysan Saraakiisha Puntland warbaahinta tusin diyaaradahaasi oo kaliya sheegasho ay ku egtahay.

Sidoo kale Warka qabyada ah ee dhanka saraakiisha Puntland laga helay laguma sheegin dalka ay ka iibsadeen hadiiba ay run tahay.

Inta laga war hayo Dalalka Imaaradka carabta iyo Mareykanka ayaa leh diyaaradaha drons-ka ee ka caawiya dagaalka Daacish walow ay Dowlada Somalia uga amar qaataan.

Dhanka kale Puntland ma sheegin diyaaradaha dagaalka nuuca ay ka yihiin sida drons ama heyla kobtar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -