HomeWarkiiSanbaloolshe oo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan kala hadlay dagaalada gobolkaasi ka socda+SAWIRRO

Sanbaloolshe oo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan kala hadlay dagaalada gobolkaasi ka socda+SAWIRRO

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa xalay degmada Moqokori kulan looga tashaday dardar gelinta dagaalka Khawaarijta kula yeeshay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada ay hadda howlgalladu ka socdaan.
Odayaasha ayaa Agaasimaha Hay’adda NISA uga mahadceliyey doorkiisa abaabulka iyo garab istaagga Ciidamada deegaanka ee dagaalka adag la galay Khawaarijta, kana difaacday deegaankooda.
Odayaasha ayaa si gaar ah uga mahadceliyey daryeelka dhaawacyada, duqeymaha loo geysto Khawaarijta iyo garab istaagga ciidan ee dowladda ay ka helaan.
Agaasime Sanbaloolshe ayaa odayaasha dhaqanka ee caawa uu la kulmay uga mahadceliyay sida ay door muuqda uga qaateen howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda gobolka Hiiraan, isagoo ka ballan-qaaday in dowladda federaalka ay ka heli doonaan garab istaag dhan kasta leh.May be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and the Oval OfficeMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 7 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -