
Booqashadan ayaa qayb ka ah xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo wada-shaqeynta ciidanka gaarka ah ee labada dal. Wafdigaan iyo Taliyaha Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliya, Dhamme Cabdixakiin Ceeldheer ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira xoojinta tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista awoodda howlgal ee ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Taliyaha Haramcad, Dhamme Cabdihakiin Ceeldheer, ayaa uga mahadceliyey wafdiga Özel Harekat ee dowladda Turkiga booqashadooda, isagoo xusay in kulankani uu yahay mid muujinaya xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya labada ciidan.






