
Shirkaani waxay labada dhinac uga wada hadleen xaaladda dalka xili dalku sii galiyo kala guur madaama muda xileedka Dowladu ka harsan yahay wax ka yar sanad.
Inkastlo shirkaani oo goor dhaw qabsoomay aan laga helin faahfaahin dhanka mucaaradka ka soo baxay ama xitaa dhanka Beesha Caalamka hadana waxyaabaha loo maleynayo inay isla jex jeexaan ayaa ah sidii looga wada shaqeyn lahaa is fahamka Dowlada iyo mucaaradka marka la eego doorashooyin degan oo la isku raacsan yahay.
Sidoo kale waxaa doorashooyinka ka horeeya in mucaaradku Dowlada ku garab siiyo la dagaalanka Alshabaab inkastoo waxgaradka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in sababta xiligdaan oo kale beesha caalamku u daneyneyso siyaasada Somalia ay tahay sidii ay danahooda gaarka ah u ilaashan lahaayeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM







DAYNIILE.COM







