HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maamulka Somailand ayaa maanta oo ah 18-ka May waxay u dabaal-degayaan markii sida ay sheegeen ay ka go’een Sooomaaliya inkastoo wax ictiraaf ah aysan helin in ka badan 30 sano.
Madaxaweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Cirro,Madaxweynihii hore Muuse Biixi, iyo masuuliyiin badan ayaa ka qeybgalay xaflada oo maanta ka socota magaalada hargeysa.
Barxada xaflada ka dhaceyso waxyaabaha ay ku soo bandhigayaan waxaa ka mid ah cidiamadooda milateriga iyo qalabkooda hubka iyo gaadiidka.
Sidoo kale Fanaaniintooda ayaa heeso soo bandhigay kaaso ay ku muujinayaan xuska 18-ka May.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Ciirro ayaa sheegay in somaliland buuxisay halbeeg kasta oo laga filayo Qaran madax-bannaan sida u warka u dhigay.
“ Waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland qabsatay Afti Qaran, iyo 8 Doorasho, oo dhammaantood xukunka si aan turxaan lahayn oo qori isu-dhiib ah la isugu wareejiyey…” ayuu yiri Madaxweyne Cirro .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM