MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta baraha bulshada lagu faafiyay in xabsiga laga sii daayay Sayid Cali Daauud oo ahaa ninkii ku eedeysnaa inuu xaaskiisa gubay islamarkaana dilka toogashada ku xukunaa.
Aabaha dhalaya Xaaska la gubey ayaa ugu dambeyn isla maanta ka hadlay wararkaasi isagoona si weyn u beeniyay in xabsiga laga sii daayay eedeysane Sayid Cali Daauud.
Aabe Cabdicasiis Maxamed wuxuu sheegay in wararkaasi yihiin been iyo borobogaando la faafiyay isagoona ku tilmaamay kuwa warkaasi baraha bulshada ka wada qolooyin doonaya inay lacag ka sameyaan beenta.
“Sayid Cali wali wuu xiran yahay, xukunkiisuna wuu sugan yahay,wuxuuna dhaqan galayaa xukunka dilkiisa marka uu saxiixo Madaxweyne Xassan”ayuu yiri Aabe C/casiis
Sidoo kale wuxuu wararka sheegaya in labada reer heshiiyeen isagoona mar kale ku celiyay inuusan jirin islamarkaana uu hore u diiday diyo inuu qaato sidaas daraadeedna kaliya waxay sugayaan ay tahay in la toogto oo kaliya.
“ma dhici doonto inaan iibsado hilibka gabadheyda, Sayid Cali-na qisaas baan la sugayaa, waliba Madaxwayna Xasan Sheekh intuu ka saxiixo qisaasta gacan ku dhiiglaha ayaan sugaynaa, ” ayuu mar kale yiri Aabaha dhalay marxuumad Luul Cabdicasiis.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
