QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa xoojiyay weerarada ay ku hayaan Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan 51 falastiiniyiin ah tan iyo saqdii dhexe ee xalay, sida ay sheegeen dhakhaatiirta. Dhibanayaasha waxaa ku jira 45 kuwaas oo lagu dilay waqooyiga Qaza.
Ruushka, Shiinaha iyo UK ayaa diiday qorshaha Mareykanka iyo Israa’iil ee gargaarka loogu qeybinayo Gaza, taa beddelkeedana Israa’iil waxay ku booriyeen in ay qaado xayiraadda labada bilood ah ee ay ku hayso Gaza.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo booqanaya Sacuudiga ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo soo afjari lahaa colaadda Gaza sida ugu dhaqsiyaha badan, balse Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay cadeeyay inuusan joojineyn Dagaalka uu ku hayo shacabka reer Gaza.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 52,908 falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 119,721, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Xafiiska Warbaahinta Dowladda ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay bishii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM