HomeWarkiiShariif Sh. Axmed "anaga xoog iyo qorey wax kuma badaleyno ee sharci...

Shariif Sh. Axmed “anaga xoog iyo qorey wax kuma badaleyno ee sharci iyo dastuur ayaan wax ku badaleynaa”

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed ayaa daboolka ka qaaday in kooxda mucaaradka aysan dooneyn inay xoog iyo qorey wax ku badalaan balse kaliya ay wax ku badalaayaan sharciga iyo Dastuurka dalka u yaal.

“anaga xoog iyo qorey wax kuma badaleyno ee sharci iyo dastuur ayaan wax ku badaleynaa”ayuu yiri Shariif Sh. Axmed

Shariif wuxuu sidoo kale sheegay in mucaaradku yihiin koox isbadal doon ah balse raba inay fikir wax ku badalaan.

“dadkaan meesha fadhiya dhamaantood waa dadkii dalka soo xukumay, maanta jabhado ma sameyn karaan,qoryo ma qaadan karaan,  Ilaaheeyna nama geeyo , mida kale saaka ninbaa fikri keenay wuxuu yiri Madaxweyne Xassan aan iskula qeylino ,marka aan iskula qeylino bal”ayuu yiri Shariif .

Dhanka kale Xildhibaan Shariif wuxuu difaacay guud ahaan Madaxdii Soomaaliyeed ee xukunka soo martay isagoo ka soo bilaabay Aadan Cadde intii dhimatay rabi ha u wada naxariistee isagoo wax lala yaabo ka soo qaaday in mar kasta madaxda somaaliyed lagu tilmaamo dad xun.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -