HomeWarkiiShariif Sh.Axmed oo ku eedeeyay Dowlada ineysan xil iska saarin amniga goobta...

Shariif Sh.Axmed oo ku eedeeyay Dowlada ineysan xil iska saarin amniga goobta qaraxu ka dhacay saaka

Madaxweynihii hore ee Somalia Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa war uu soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay qaraxii saaka xerada Damaanyo ee Magaaladda Muqdisho ka dhacay kaasoo sababay dhimashada badan.
Xil.Shariif oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka waliba kuwa tunka weyn ayaa ku eedeeyay Dowlada ineysan xil iska saarin amniga goobta qaraxu ka dhacay saaka.
Qoraalka Xildhibaan Shariif ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan si kulul u cambaaraynayaa weerarka bahalnimo ee kooxda argagixisada Al-Shabaab saakay la beegsatay dhallinyaro Soomaaliyeed oo go’aansadey difaaca dalkooda iyo dadkooda.

Weerarkaan nafla-caariga ah oo ka dhacay xerada Damaanyo ee Magaaladda Muqdisho wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida kooxaha caadeystay daadinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed ay uga fogyihiin damiirka dadnimada iyagoo ku been sheeganaya magaca diinteenna suubban ee islaamka.

Waxaa sidoo kale wax laga xumaado ah in xukuumadda Federaalka ah iyo hay’addaha ammaanka caasimadda aysan wax masuuliyad ah iska saarin sugida amniga goobta uu ka dhacay weerarkaan bahalnimo ee lala bartilmaameedsaday dhallinyarada doonaysay in ay ka mid noqdaan Ciidamada qalabka sida.

Waxaan ugu dambayn qoysaskooda iyo qaranka uga tacsiyeynayaa dhalinyarada ku geeriyootay weerarka waxaana inta dhaawacantay u rajeynayaa caafimaad deg deg ah.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -