MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaiya ayaa saaka isugu yimid kulan ka mida fadhiadooda waxaana shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golahaasi.
Shirka saaka waxaa looga kdooday hindise sharciyeedka dad dhigista tirakoobka xaaladaha madaniga ah xili maalmihii ugu dambeeyay uu buuq ka taagnaa fadhiyada baarlamaanka.
Gudoomiye xigeenka C/laahi Cumar Abshirow ayaa furitanka shirka hadalo kooban ka jeediyay wuxuuna u soo jeediyay xubnaha baarlamaanka inay waqtiga ilaaliyaan sidoo kale ay ku dadaalaan minimada golaha shacabka.
“waxaa muhiim ah inaan ku dadaalno midnimada golahaah,is ixtiraamid,is qadarin u qalma shacabka aan matalno,waana inaan ka fogaano wax kasta oo keeni karta burburka golaha”ayuu yiri Gudoomiye Abshiroow
Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka mar uu ka hadlayay farqiga u dhexeeya iyaga iyo Hay’ada fulinta ama xukuumada ayuu sheegay in fulintu tahay gacmahodoa halka baarlamaankuna yahay madaxa oo ah halka ugu sareeya ama ugu mhiimsan jirka bini’adamka.
“waa inay ku shaqeysaa sharciyada iyo qaraarada uu sameeyo baarlamaanka anaguna aan kula xisaabtamo,taasina ma dhici karto hadaan kala qeybsano ama la isku milmo”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka
Wuxuu kula dardaarmay in wixii hada ka dambeeya inay u wada sheegeen si wada jir iyo is ixtiraam ku dhisan.
Si kastaba warka Abshirow ayaa ku soo aadaya xili asbuucyadii u dambeysay uu buuq ka jiray fadhiyada baarlamaanka waxaana maanta xildhibaanadu si degan u galeen mooshinka u horyaalay gaar ahaan akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dad dhigista tirakoobka xaaladaha madaniga ah.
Dhanka kale lama yaqaan in hadii uu dalka ku soo laabto Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe ay xildhibaanada mucaaradku halkooda ka sii camiran doonaan buuqa iyo in ay qaateen dardaaranka Gudoomiye ku xigeenka ,walow warar hoosana sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu soo farageliyay buuqa baarlamaanka ka jira.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM