HomeWarkiiXOGTA: Shirka Mucaaradka oo Muqdisho ka furmay iyo hadalada Shariif

XOGTA: Shirka Mucaaradka oo Muqdisho ka furmay iyo hadalada Shariif

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw Magaalada Muqdisho ka furmay shir ay leeyihiin siyaasiyiinta Mucaaradka Somalia kuwaasoo uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed.

Guud ahaan Mucaaradka inta Xamar joogta waa soo xaadireen sida Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Kheyre ,Ra’iisulwasaarihii hore Saacid  Shirdoon,Cumar C/rashiid,Maxamed Xuseen Rooble ,Gudoomiyihii hore Sharioif Xassan Sheekh Aadan.

Hadal jeedin uu shirka ka jeediyay Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayuu ku sheegay hadal uusan hore u jeedin taasoo ah inay mucaaradu diyaar u yihiin hadii Dowladu ku qancin karto doorasho qof iyo cod.

Shariif wuxuu eedeyn ba’an u jeediyay hay’adaha Dowlada haey amni yihiin iyo hadii ganacsi yihiinm,wuxuu ku eedeeyay Dowlada inay dadka xoog u adeegsaneyso inay qaatan kaararka doorashooyinka ay Dowladu wadato.

Mar uu kla hadlayay arinta dagaalka alshabaab wuxuu sheegay in Dowlada hadii ay ku fashilantay dagaalka alshabaab ay ahayd inay qiratpo oo ay dhexda dhigto talada islamarkaana dhahdo waan guul dareysanay.

“hal maalin nooma yeerin Dowlada talo nagama weydiin,kadibna markii ay guul dareysteen waxay ilaabeen eedeyn iyo inay madaxa darbiyada ku garaacdaan,waxaan u mahadcelineynaa qabaa’ilka dagaalka alshabaab ku jira si gaar ah beesha reer hiiraan ayaan amaaneynaa”ayuu yiri Shariif

Madaxweyne Xassan wuxuu ugu baaqay Xassan sheekh inuu dalka iyo dadka isku soo jiido si meel mideysan loo wada yimaado.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 6 people and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -