HomeWarkiiShirka Wasiirada Somalia maxaa looga hadlay maanta?

Shirka Wasiirada Somalia maxaa looga hadlay maanta?

Muqdisho, Arbaco 14 Maajo 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed oo ku saleysan qorshaha Qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.
Intii uu kulanka socday, waxa uu guddigu ansixiyay saddexdii mashruuc ee ugu horreyey ee hoos yimaada barnaamijka TPSS – kuwaas oo dhammaantood diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah ee Soomaaliya, lagana hirgelin doono deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.
Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya ee (TPSS), waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. iyada oo shirka uu guddigu maanta yeeshey uu ka qeyb galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya H.E. Pier Mario Daccò Coppi.
— Dhammaad —May be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 4 people, dais and newsroomMay be an image of 7 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 3 people and newsroomMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people, suit and text that says "SOXIMAALNA WASAARAHA SOOMAALIYA FOXMRALNA WASAARAHA SOOMAALIYA XAFIISKA RA'IISUL ASAARAHA OMAALIYA WASAARAHA SOOMAALIYA XAFIISKA RATISUL WASAARAHA WASA SOOMAALL ATINE CATE 正店 OMAAUKA WASA SOOM XAFIISK RA'TSE WASAARAI SOOMAALI XAFIISKA RA'TISUL WASAARAHA SOOMAALIYA XAFIISKA RA'TISUL WASAARAHA SOOMAALIYA AFIISKA RATISUL MARAHA LIYA AFIISKA RA'TSUL SAARAHA OMAALIYA WИE BAN XAFI RA'I WASAA SOOMA DOMAALNA soo XAFIISKA RA'IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA AFIISKA RA'IISUL ASAARAHA SOOMAALIYA FIISKA VIISUL AARAHA MAALIYA HA ទន% III IYA mem eili RATISUL វុ DOMAE XAFIIS RA'IIS XAFIIS RA'IIS WASAAR SOOMAA COMAALINA XAFIISKA"May be an image of 13 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -