HomeWarkiiShirkii Baarlamaanka ee saaka loo balansaanaa oo baaqday

Shirkii Baarlamaanka ee saaka loo balansaanaa oo baaqday

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta baaqday shir ay u balansanaayeen Xildhibaanada Soomaaliya lamana oga sababta dhabta ah ah.

Golaha shacabka oo dhawaan galaya fasaxii ciida carafada ayaa lagu waday in maanta iyo maalmaha soo socda baarlamaanku yeesho kulamada ugu dambeeya ee asbuucaan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta  baaqashada ,wararka qaar ayaa sheegaya inay jirto cabsi gudoonku ka qabo in xildhibaanada mucaaradka mooshin kale keenaan.

Xiisada ka dhex taagan mudanayaasha Baarlamaanka ,gudoonka ilaa madaxtooyada ayaa keenay in maalmahaan kulamadii baarlamaanku noqdaan kuwo gaabis iyo baaqasho isugu darsoontay.

dhanka kala baaqashadaan waxay ku soo aadeysa xili laba maalin ka hor xildhibaano badan ay madaxweynaha hor dhigeen dhowr qodob oo ay isaga kaga dalbanayaan sida inuu miiska wadahadalka ku soo laabto,joojiyo duulaanka uu ku yahay maamulka Jubaland , eed ahayd inuu burburiyay golihii wada-tashiga ,ugu dambeyn xildhinaaadaasi ayaa madaxweynaha ka dalbday inuu si casilo hadii uusan qaadaneyn soo jeedintooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -