HomeWarkiiShirweynaha Maareynta hubka, rasaasta, iyo ka hortagga qaraxyada oo la soo xirey...

Shirweynaha Maareynta hubka, rasaasta, iyo ka hortagga qaraxyada oo la soo xirey +SAWIRRO

Muqdisho, Talaado, 03 Juunyo 2025:— Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa soo xiray shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta, iyo Ka Hortagga Qaraxyada Macmalka ah, kaas oo muddo labo maalmood ah ka soconayay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in maareynta hubka iyo rasaasta ay laf-dhabar u yihiin amniga dalkeenna, isla markaana ay Xukuumadda DanQaran mudnaan gaar ah siinayso horumarinta siyaasadaha iyo farsamooyinka lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah iyo la-dagaallanka maleegidda qaraxyada lagu carqaladeynayo amniga.
Shirweynaha, ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta Qorshaha Qaran ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda hay’adaha ammaanka ee la-dagaallama qaraxyada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qaran ee heerarka kala duwan iyo saaxiibada caalamiga ah.May be an image of 2 people, dais, newsroom and text that says "a n Ition Meeting onWeapons, t, and Counter-IED. IED. u ing Department N9 MIA, Hangar Mogadishu, Son"May be an image of 13 people and daisMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 14 people, table, dais and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 7 people and text that says "R SE 프포 UNITED UNITEDKINGDOM KINGDOM MS EUROPEAN EUROPEANUNION UNION JERO HALO) UNITED"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people and text that says "HALO HALO"May be an image of 1 person, newsroom, dais and text that says "A Qaro yada Macmalka ah. tional Coc n Manag Centero ination Meeting onWe ent, and Counter-IED itoring partment ilia"May be an image of 4 people, dais and text that says "THE HALO TRUST Shirweynaha Qaran ee Maareynta Hubka, Rasaasta iyo Κα Hortagga Qarax ada Macmalka ah. Annual National Coord Ammunition Managen Centeral M ation Meeting onWeapons, it, and Counter-IED. ring Department 2nd June MIA, MIA,Har Har Mogadish"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -