HomeWarkiiSidee Soomaalida iyo dadyowga kale u saameynaysaa canshuuraha cusub ee Trump uu...

Sidee Soomaalida iyo dadyowga kale u saameynaysaa canshuuraha cusub ee Trump uu ku soo rogayo lacag dirista?

=XIGASHO BBC SOMALI=Dad badan oo ku nool dalka Mareykanka ayaa lacago u dira eheladooda oo ku nool dalalkii ay ka yimaadeen

Maamulka Trump ayaa soo jeediyay in canshuur cusub la saaro lacagaha la diro ee Xawaaladaha ah. Nidaamka hadda jira, lacagaha dadka loo diro ee Xawaaldaha ma jirto canshuur si gaar ah u saaran maadaama dadka dira lacagaha hore loo canshuuray waxa soogala.

Canshuurtan ay maamulka Trump soo ragayaan waxay ka dhigeysaa Mareykanka dalka ugu adag ee laga diro lacag taas oo dhibaato ku ah dalalka saboolka ah ee ku tiirsanaa gargaarkii dhawaan la jaray.

Dowladda ayaa dooneysay in ay jarto dhammaan Xawaaladaha loo diro dalalka shisheeye. Tallaabadan ayaa taaban doonta qoysas badan oo adduunka ku nool kuwaas oo ku tiirsanaa lacagaha ay soo diraan dadkooda ka shaqeeya Mareykanka.

Canshuuraha la saarayo Xawaaldaha qiimahoodu wuxuu gaarayaa 905 bilyan oo doollar adduunka oo dhan. Tani ma saameyneyso oo kaliya qoysaska Marekanka iyo dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo, balse waxay sidoo kale dhaawaceysaa amniga Mareykanka iyo siyaasada arrimaha dibadda.

Wadamada Laatiin Ameerika waxay waayayaan balaayiin doollar hadii xeerkaan ay ansixiyaan senetaradu. Wadamada Afrika oo heerka saboolnimada sarreeyo, si weyn ayey ugu tiirsan yihiin Xawaaladaha.

Dadka Xawaaladaha hela ee ku nool meelaha loo diro lacagta, waxay u tahay gargaar, inta badan waa dad sabool ah.

Dalka Nigeria lacagta Xawaalad ahaan u soo gasha oo ay waynayaan waxay gaareysaa ilaa iyo 215 milyan oo doolar. Dalalka Gambia iyo Liberia ayaa sidoo kale weynaya qeyb ka mid ah dhaqaalahooda. Labadan dal rubuc ka mid ah dhaqaalahoodu wuxuu ka yimaadaa Xawaaladaha.

Bangiga adduunka waxa uu sheegay in dalka Senegal uu ka mid yahay dalalka sida weyn ugu tiirsan Xawilaada, wayna saameyneysaa arrintan.

Sanadkii aan soo dhaafnay ee 2024-kii, wadamada ka hooseeya Saxaraha waxay Mareykanka ka heleen 10 bilyan oo doolar oo Xawilaad ah. Lacagtaas waa ku dhawaad deeqda Mareykanka uu siiyay dalalkaas ka hor inta uusan imaan madaxweyne Trump xafiiska taas oo gaareysay 12 bilyan oo doolar.

Dadka lacagta ka dira Mareykanka hore ayey uga bixiyeen canshuuraha wixii soo galay, canshuurtan waxay noqoneysaa mid labaad sida ay qabaan kuwa ka horjeeda.

Jaamaal Aadan Cabdullahi oo ah qoraa iyo falanqeeya arrimaha siyaasada, kuna nool Minnesota, Mareykanka ayaa qaba in maamulka Trump uu awood u leeyahay in lacag uu saaro Xawilaadaha.

“Wasaarada maaliyada waxay haysataa sharci buuxa oo dhowr jeer la hirgaliyay, Sabtembar 11 isbeddelka ugu weyn markaas ayuu dhacay”.

Jamaal wuxuu kaloo sheegay in wasaaradaha maaliyada ay go’aansan karto in ay soo saarto lacagta la saarayo Xawaaldaha.

“Madaxweynaha awood wuu u haystaa, uma baahna xitaa in ay ka soo baxdo aqalka cad, Wasaarada Maaliyadda ayaa markasta soo saari karta lifaaq cusub oo madaxweynaha uu dul saari karo qarashaad dheeraad ah, wuuna haystaa awoodeeda”

Hadii arrintan ay dhaqangasho waxay culeys ku noqoneysaa dad badan oo Soomaalida ku nool Mareykanka ay ka mid yihiin.

“Markasta oo canshuur dheeri ah la saaro beecmushtarka, macaamiishooda ayey u sii gudbinayaan” balse waxaa ka sii daran ayuu leeyahay Jamaal in la xadido lacagaha la diro.Soomaalida ayaa ka mid ah meelaha Mareykanka lacagaha badan looga soo diro

Sharcigan cusub ee lagu canshuurayo Xawaaladaha waxa uu saarayaa lacagta la dirayo 3.5 boqolkiiba canshuur federal ah. Tani waxaa u sii dheer 6 boqolkiiba ay siiyaan bangiyada iyo shirkadaha Xawaaladaha. Waxay noqoneysaa intaas marka laysku daro in boqlkii doolar laga bixiyo lacag gaareyso 10 doolar oo kale.

Helena Saykiamien waa 70 jir ku nool caasimada Liberia ee Monrovia. Gabadheeda ayaa 500 oo doollar uga soo dirtay Delaware Mareykanka sanadkii 2023-kii. Lacagtaas waxay ku iibsatay talaajad ay ku qaboojiso biyo kaddibna ay sii iibiso. Lacagta ay ka faa’iddo waxay ku iibsataa wax kasta oo ay u baahan tahay sida cunto, dawo, lacagta waxbarshada sideed cunug oo la nool. 200 oo doollar oo gabadheeda u soo dirto ayeyna ku nooshahay.

Mareykanka waa dalka ugu qaalisan adduunka ee lacag laga soo diro. Shirkadaha Xawaalada canshuur ayaa laga qaadaa, iyagana waxay canshuurtaas u sii gudbiyaan macaamiisha.

Wadamada Afrikaanka waxay bixiyaan lacag ka badan inta adduunka kale bixiyaan sida uu sheegayo bangiga adduunka.

“Tallaabooyinka ay qaadeen qeybaha kala duwan ee maamulka Trump ayaa labo jeer dhaawaceyso dadka adduunka ugu saboolsan”, ayey tiri Helen Dempster oo ka tirsan xarunta MDHP.

Ujeedka sharcigan canshuuraha lagu saarayo xawilaadaha waa sidii dadka looga joojin lahaa Mareykanka.

Dadka ka faalooda arrimahan waxay qabaan in tani ay malaayiin qof gelineyso gaajo, waxayna kordhineysaa muhaajiriinta sharcidarada ah iyo in ay gaabis geliso dhaqaalaha Afrika ee culeyska ka haysto sidii uu ku maareyn lahaa deymaha.

Qaramada Midoobay waxay dooneysaa in lacagaha saaran Xawaaladaha ay yareeyaan dalalka, kana dhigaan wax ka yar saddex boqolkiiba marka la gaaro sanadka 2030-ka.

=XIGASHO BBC SOMALI=

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -