GAROWE (DAYNIILE.COM)-Kadib markii maanta uu Garowe ka soo degay musharixii ugu dhawaa ee sida weyn xilka madaxweynaha Maamulka Puntland kula tartamay Saciid Deni ayuu qabtay shir jaraa’id.
Siyaasigaan oo lagu magacaabo Saalax Guuleed ayaa sheegay in Saciid Deni uu go’doon siyaasadeed geliyay shacabka iyo maamulka Puntand kadib markii uu danihiisa shaqsiga wax kasta ku jaangooyay sida uu sheegay.
“Maamulkii Puntland wuxuu ku socdaa inuu noqdo Shirkad Ganacsi oo u shaqeyneysa Qaraabada dhow ee Siciid Deni, “ayuu yiri Saalax Guuleed oo sidoo kale ku eedeeyay Deni inuu soo kireystay Shirkado Calooshood u shaqeystayaal ah
Siyaasiyiintaan waxay ku eedeen Saciid Deni inuu Maamulkii Puntland u badalay shirkad isaga si gaar ah ugu adeegta,sidoo kale waxay sheegeen in markii uu Dowladii Somalia iyo meel kasta ka gooyay Puntland uu hadana rabo inuu danihiisa shaqsiga u tago xamar marka la gaaro doorashooyinka Madaxtinimada Somalia.
Haddaba halkaan ka daawi muuqaalka siyaasigaani oo aan ka soo xiganay Risaala Tv:-