HomeWarkiiSiyaasiyiinta mucaaradka oo beri ka balansan xerada xalane

Siyaasiyiinta mucaaradka oo beri ka balansan xerada xalane

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Berito Xalane ay ku balansan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee la baxay Golaha samatabixinta iyo diblomaasiyiinta beesha Caalamka ee ku sugan xerada Xalane.
Wararku waxay tilmaamayaan in siyaasiyiinta mucaaradka iyo reer galbeedku ay ka wada hadli doonaan arimaha somalia iyo xaalada kala guurka ee dalku lugta la sii galayo.
Inkastoo mucaaradku wada tagi doonin xalane hadana gudi ayay dirsan doonaan sida loo badinayo waxaana ka mid ah Xildhibaan Shariif,Xassan Cali Kheyre,Saacid Shirdoon,Shariiif Xassan,C/raxmaan C/shukuur,Xildhibaan Carab iyo xubno kale.
Sharsiyaadka la sheegay inay mucaaradku la fariisan doonaan waxaa ka mid ah Safiirada Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub.
Kulankaan la sheegay inuu xalane ka dhici doono ayaa hadii uu qabsoomo wuxuu ku soo aadayaa xili Madaxweyne Xassan maanta shaaciyay inuu 15-ka bishaan la fadhiisan doono Saamileeyda Siyaasada iyo ururada bulshada taasoo qeyb ka ah sida dad badan rumeysan yihiin cadaadiska beesha caalamka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -