HomeWarkiiSiyaasiyiinta Mucaaradka oo caawa waqtigaan danbe shir ku leh guriga Shariif Sh.Axmed

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo caawa waqtigaan danbe shir ku leh guriga Shariif Sh.Axmed

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa xiligaan oo caawa waqti danbana ah shir ku leh guriga Xildhibaan Shariif Sh.Axmed Siyaasiyiinta mucaaradka kuwaasoo ka wada hadlaya xaalada ka;la guurka ee dalku cagaha la sii galayo.

Shirkan oo ah mid gogol xaar u sii ah shirka Arbacada ay ku balansan yihiin mucaaradka ayaa wariyayaasha loo diiday inay gudaha u galaan sawirana ka qaadaan hogaamiyayaasha isku ymid.

Warar ku dhaw shirka Caawa ayaa sheegay inay inta badan siyaasiyiintra Mucaaradku joogaan Caawa guriga Shariif shirna ay leeyihiin waxaana lagu wadaa inay dhamaadka war wada jira soo saaraan kaasoo loo maleynayo inay ku iclaamin doonaan shirka weyn ee arbacada ay leeyihiin.

wixii war ah ee ka soo kordha shirkaan wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -