HomeWarkiiSiyaasiyiinta Mucaaradka oo isugu tagay Mowlaca Macalin Nuur

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo isugu tagay Mowlaca Macalin Nuur

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa maanta oo jimco waxay isugu tageen Mowlaca Macalin Nuur halkaas oo ay ku kulmeen.

Kulankaan waxay siyaasiyiintu ku sheegeen inuu yahay mid salaan ay ugu socdeen Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee Mowlaca maanta isugu tagay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed,Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xassan Cali Kheyre,Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Siyaasi Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame,Siyaasi Cawad iyo xildhibaanada mucaaradka.

Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo hadalo kooban ka jeediyay isu imaatinki mowlaca ayaa ugu baaqay Dowlada Somalia gaar ahaan madaxweyne Xassan inuu ka dhabeeyo gogosha uu balan qaaday in looga hadlayo masiirka dalka iyo doorashooyinka soo aadan.

Khaliifka wuxuu sidoo kale Dowlada ugu baaqay inay sii wado dagaalada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -