HomeWarkiiSomalia iyo Tanzania oo ka wada hadlay fududeynta Dal ku galka

Somalia iyo Tanzania oo ka wada hadlay fududeynta Dal ku galka

Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Ilyaas Cali Xasan, ayaa magaalada Daarusalaam kula kulmay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania u qaabilsan Bariga Afrika, Danjire Stephen Mbundi. Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay dardargelinta xiriirka labada dal iyo dhaqan-gelinta is-afgaradyadii dhowaan ay kala saxiixdeen.
Danjire Ilyaas ayaa xusay in kulanka lagu gorfeynayay fududeynta dal-ku-galka Tanzania ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay sida ay Tanzania u muujisay mudnaanta arrintaas. Waxa uu sidoo kale sheegay in ay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, dalxiiska iyo aqoon is-weydaarsiga, iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da Bulshada Bariga Afrika.May be an image of 4 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people, dais, the Oval Office, newsroom and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -