HomeWarkiiSomalia oo markii ugu horeysay martigelisay shirweynaha caafimaadka adduunka+SAWIRRO

Somalia oo markii ugu horeysay martigelisay shirweynaha caafimaadka adduunka+SAWIRRO

Geneva, 23 May 2025; Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah magaalada Geneva ugu qabatay munaasabad heer caalami ah oo qeyb ka ah Shirweynaha Caafimaadka Adduunka (WHA78), taas oo lagu lafaguray doorka Soomaaliya ee horumarinta daryeelka caafimaad ee bulshada.

Munaasabaddan oo lagu xusay hal-ku-dhigga: “𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐢𝐥𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚: 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐃𝐡𝐢𝐧𝐚𝐜𝐚 𝐃𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚” ayaa ahayd madal muhiim ah oo ay isugu yimaadeen madax sare oo caalami ah, wakiillo ka socday hay’adaha caafimaadka adduunka, deeq-bixiyayaal, iyo saaxiibada horumarineed ee Soomaaliya.
Waxaa munaasabada ka qaybgalay Wasiirka wasaaradda caafimaadka & daryeelka bulshada JFS Dr. Ali Haji Adam, Agaasimaha Guud ee Hay’adda caafimaadka aduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus Marwo Khadra Ahmed Dualle, Safiirka Soomaaliya ee Switzerland ahna Wakiilka Joogtada ah ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga,
Qaar kamid ah wasiirada caafimaadka qaar kamid ah dalalka saaxibada la ah Soomaaliya, Madaxa GFF/World Bank Luc Leviolette, Agaasime goboleedka WHO ee EMRO Hannan Balkhy, Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka DFS Dr Guuled abdijalil, Agaasime ku xigeenka Gates Foundation Magdalina Roberts iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda caafimaadka Saaxiibada caalamiga ah iyo wakiillo ka socday hay’ado badan oo caalami ah.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Ali Haji Adam Abubakar oo si qoto dheer uga hadlay baahida degdegga ah ee loo qabo maalgelinta caafimaadka Soomaaliya, ayaa xusay sida loogu baahan yahay taageero dhab ah oo caalami ah si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo waara, loo siman yahay, islamarkaana bulshada Soomaaliyeed u horseeda mustaqbal caafimaad qaba.
Dr. Tedros Adhanom Ghebreyesus, Agaasimaha Guud ee WHO, ayaa muujiyay bogaadin iyo dhiirrigelin uu u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka, isagoo tilmaamay in la arkayo horumar muuqda iyo dadaal joogto ah oo ku wajahan tayeynta adeegyada caafimaadka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadaalladaasi laga taageero heer caalami ah, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ka hirgala guud ahaan dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed ayaa ka jeediyay warbixinta guud ee Wasaaradda Caafimaadka asiga oo la wadaagay kaso qeyb galayaasha guulaha la gaaray ee caqabadaha wali jiro iyo baahida loo qabo in la helo maalgalin caafimaad ee dhameestiran.
Wasaaradda caafimaadka JFS uu hogaaminayo Dr Ali Aji Adam, wasiirka caafimaadka waxay markale ugu baaqday beesha caalamka in ay si buuxda ula garab istaagto dadaallada socda ee lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka, taas oo fure u ah amniga caafimaad ee dalka iyo guud ahaan gobolka.May be an image of 3 people, dais, newsroom and text that says 'DR. DR.ALIHAJIADAM, ALI HAJI ADAM,'May be an image of 5 people, dais and text that says 'విధిధి SOMALIA'May be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 14 people and textMay be an image of 14 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 people and text that says 'med MALIA DR. MOHAMED HUSSEIN SOMALIA SOMALIAMOH moH'May be an image of 3 people, dais and text that says 'Dr DrAbdiwaliAhmed Abdiwali Ahmed DIRECTOR DIRECTOR-GENERAL GENERAL'
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -