HomeWarkiiTababar ku saabsan nidaamka dhijitaaleysan oo maanta Muqdisho loogu qabtay qaar ka...

Tababar ku saabsan nidaamka dhijitaaleysan oo maanta Muqdisho loogu qabtay qaar ka mid ah hay’adaha Dowladda+SAWIRRO

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 ayaa maanta saraakiil ka socotay hay’adaha Dowladda u qabtay tababarkii 4aad oo xiriir la leh “𝐇𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚” (𝐂𝐨𝐧𝐭𝐫𝐚𝐜𝐭 𝐌𝐚𝐧𝐚𝐠𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐒𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦 – 𝐂𝐌𝐒)”. Tababarkan oo lagu casuumay 18 hay’adood ayaa soo gabagabeeyey tababarro xiriir ahaa oo uu Xafiisku waayadan u qabanayey hay’adaha dowladda, si ay u fahmaan nidaamkan dhijitaaleysan ee looga guurayo habka qadiimiga ah ee diiwaangelinta heshiisyada ay Dowladdu gasho.
𝐊𝐮𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐣𝐚𝐦𝐚𝐚𝐥 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝, oo tababarka furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay hay’adaha dowladdu ku shaqeeyaan nidaamka 𝐂𝐌𝐒-ka, si xogta ku jirta heshiisyada ay u noqoto mid waarta oo dhowrsan, lana heli karo xili kasta oo loo baahdo, iyada oo uu niidaamkani dhinaca kale sahlayo in ay hay’adaha dowladdu si fudud uga diwaangeliyaan XHGS heshiisyada ay galaan, iyaga oo xarumahooda jooga.
Horumarka teknolojiyadda iyo ka faa’iideysigiisa waxa ay laf-dhabar u yihiin dhisidda kalsoonida shacabka iyo kor-u-qaadidda u-hoggaansanaanta sharciga, taas oo aasaas u ah horumar waara.May be an image of 3 people and people studyingMay be an image of 4 people, people studying and textMay be an image of 1 person, studying and textMay be an image of 4 people, beard and people studyingMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 4 people, people studying and newsroomMay be an image of 5 peopleMay be an image of 8 people, people studying and textMay be an image of 4 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 1 person and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -