XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha FC Barcelona, Hansi Flick, ayaa si cad uga cadhooday lix ciyaaryahan oo kooxdiisa ka tirsan intii lagu jiray tababarkii ugu dambeeyay kahor kulanka wareega semi-finalka Champions League ee ay la ciyaarayaan Inter Milan.
Lamine Yamal, Fermín, Gavi, Ansu Fati, Iñigo Martínez, iyo Ronald Araujo ayaa lagu arkay iyagoo kasoo daahay tababarka, taasoo keentay caro uu Flick muujiyay.
Tababarka oo socday wax ka badan saacad ayaa dib u dhacay 45 daqiiqo sababo la xiriira fadhi fiidyow oo dheeraaday.
Inkasta oo ay soo daaheen, lixda ciyaaryahan waxay si caadi ah u dhamaystireen tababarka.
Barcelona ayaa la ciyaari doonta Inter Milan Arbacada kulan muhiim ah oo Champions League ah.