Macalinkii Kooxda Elman SC Cabdiraxmaan Cali Abuukar ayaa baraha bulshada wuxuu ku shaaciyay inuu iska casilay macalimimada kooxdaasi isagoona sheegay koox kale uu macalin u noqon doono.
Tababare C/raxmaan Cali Abuukar waxaa la sheegay inay tahay markii labaad oo uu iska casilayo shaqada macalimimada kooxaha heerka koowaad ee Somalia tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay.
Kooxda Elman waxay ka mid tahay kooxaha ugu awooda badan kooxaha soomaalida ee heerka koowaad waxaana aas’aasay samafa;ihii Elman Cali Axmed Allaha u naxariistee burburkii Dowladii kacaanka kadib.
Macalin cusub ayaa hada la hadal hayaa inay durba Elman ku dhawaaqeyso maalmaha soo socda.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
