HomeWarkiiTaliska Booliiska oo isla xisaabtan ugu tagay Hoggaanka Baarista Dambiyada iyo Qeybta...

Taliska Booliiska oo isla xisaabtan ugu tagay Hoggaanka Baarista Dambiyada iyo Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo uu weheliyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed, ayaa kulan isla xisaabtan shaqo la qaatay Hoggaanka Baarista Dambiyada iyo Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir. Kulankan ayaa lagu dhisay nidaam wada shaqeyn ah, kaasoo meesha ka saaray caqabadihii horay u ragaadin jiray adeegga ay bulshada u hayaan iyo wada shaqeynta dhexdooda.
Kulankan waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray ilaalinta caddeymaha laga helo fal-dambiyeedyada dhacaya, sugidda amniga goobta uu falku ka dhaco ilaa uu gaarayo baaraha, si habraac sax ah loo maro loona helo caddeymo ku filan oo u sahlaya Hoggaanka Baarista in eedaysanaha la horgeeyo cadaaladda.
Taliyaha ayaa la wadaagay saraakiisha Hoggaanka Baarista Dambiyada iyo Qeybta Guud in si dhow dabagal iyo isla xisaabtan loogu sameynayo wada shaqeyntooda, isla markaana xafiis kasta lagu kor joogteynayo shaqada uga aaddan baarista fal-dambiyeedka, oo laga doonayo in si hufan oo caddaalad ku dheehan tahay loo guto waajibaadka saaran.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -