Muqdisho, 12 May 2025 – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah u daahfuray imtixaan tartan furan oo loogu talagalay xulashada saraakiil ku biiraya barnaamij waxbarasho oo Layli Sarkaalnimo ah oo ka dhacaya dalka dibaddiisa.
Imtixaankan ayaa looga golleeyahay in meesha laga saaro hab-raacyadii hore ee xulashada fursadaha waxbarasho ee ciidamada, kuwaas oo cabashooyin badan laga muujin jiray. Tartan furan oo hufan ayaa hadda loo marayaa xulashada, si loo xaqiijiyo sinnaanta fursadaha, loogana hortago eexda, nin jeclaysiga, iyo nidaamka “kanaa i xiga”.
Tani waa tallaabo muhiim ah oo ka mid ah isbeddellada hufnaanta ku dhisan ee uu la yimid Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed tan iyo markii uu xilka la wareegay. Waxay sidoo kale qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo hannaanka caddaaladda iyo daahfurnaanta ee hay’adaha ammaanka.
Taliyuhu wuxuu caddeeyay in hannaankan cusub uu sare u qaadi doono kalsoonida ciidamada, isla markaana uu dhiirrigelin doono tartan caafimaad qaba oo ku dhisan karti iyo aqoon.