HomeWarkiiTaliska Howlgalka AUSSOM oo sheegay in Xawaadleey si nabad looga soo saaray...

Taliska Howlgalka AUSSOM oo sheegay in Xawaadleey si nabad looga soo saaray ciidamada Burundi

XAWAADLEEY (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Taliska howlgalka Midowga Afrika AUSSOM ayay uga hadleen wararka shegaya in Alshabaab uu ka qabsaday deegaanka Xawaadleey sidoo kalana diyaarad ay alshabaab ka soo rideen.

Taliska oo beeniyay wararkaasi la isla dhexmarayo ayaa shaaciyay in wabiga oo soo fatahay darteed ay uga soo baxeen fariisinkoodii Xawaadleey,sidoo kale waxay sheegeen in si nabad ah ay uga soo baxeen ciidamada Burundi ee Xawaadleey sanadaha badan ku sugnaa.

Taliska Midowga Afrika wuxuu sidoo kale sheegay in waqtigii daad-gureynta ay ku jireen ay cilad ku timid mid ka mid ah diyaaradaha haylakobtariska ah ee ay adeegsanayeen,waxay intaasi ku dareen in duuliyaha oo xirfad adeeganayay uu si nabad ah ku dejiyay diyaarada iyadoo aanay cidma dhibaato ka soo gaarin.

Alshabaab oo wararka qaar sheegayaan inay iyaga biyaha si kas ah usoo daayeen ayaa la wareegey gacan ku heynta deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka ayaa laftigoodu sheegay inay daadadka wabiga uga soo baxeen balse aysan jirin alshabaab uu ka soo saaray.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of slow loris and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -