HomeWarkiiTaliyaha ciidanka dhulka oo Magaalada Dhuusamareeb tababar ugu soo xiray cutubyo ka...

Taliyaha ciidanka dhulka oo Magaalada Dhuusamareeb tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar ( Ganeral Khaalid ) oo uu wehlinayo Taliyaha Taliska Tabarada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya  G/Sare Axmed Ciise ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb Tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Geesiyada CXDS sido kale Taliyaha ayaa tababar u furay Cutubyo kale oo ka tirsan Geesiyada CXDS.
Taliyaha qeybta 21aad CXDS Col Maxamed Dhagaweyne ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Kaga War bixiyay geesiyadan maanta tababarka loo so xiray heerarka Kala duwan ay soo mareen iyo sida ay maanta ugu diyaarsan yihiin iney qeyb ka noqdan howlgalka cadowga lagu ciribtirayo.

Taliyaha Taliska Tabarada CXDS Col Axmed Ciise ayaa bogaadiyay Ciidamada Maanta tabarka loo soo xiray dhiirananta ka muuqato iyo sida ey ugu diyaarsan yihiin Difaaca Dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar ( Ganeral Khaalid ) ayaa bogaadiyay Geesiyadan maanta tababarka dhameystay waxa uuna tilmaamay in laga sugayo Cadowga iney ka dulqaadan guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Geesta kale Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo Taliyaha Taliska Tabarada CXDS Col Axmed Ciise ayaa Shahaadoyin gudoon siiyay geesiyaal si gaar ah Kaga soo dhax muuqday inta uu tababarka socday kuwaa oo galay Kaalmaha hore ee tababarada ey qaadanayeen.
May be an image of 12 people and textMay be an image of 8 people and text that says "DHUUSAMAREEB COMMAND CENTRE"May be an image of 2 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 10 people and text that says "春"May be an image of 6 peopleMay be an image of 6 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -