NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Golaha ammaanka ee Q.M ayaa lagu wadaa Khamiista soo socota inuu fadhi ka yeesho dhaqaale u raadinta howlgalka loogu magac daray nabad ilaalinta Somalia ee AUSSOM kaasoo loogu talo galay inuu badelo howlgalkii ATMIS.
Waxaa durba soo baxaya caqabado hor taagan inuu guuleysto shirkaani sida Mareykanka oo si toos ah u hortaagan ansixinta qaraar qeexaya in dhaqaalaha howlgalka Somalia laga bixiyo sanduuqa QM halkii dalalka reer galbeedka la weydiisan lahaa bixinta qarashakaasi.
Qaraarkaan ayaana loo balansan yahay in lagu meel mariyo shirkaani oo dhacaya 15-ka bishaan laakiin arinta yaabka leh ayaa ah Mareykanka oo hore u diiday dal ahaan inuu dhaqaale ku bixiyo howlgalka AUSSOM hadana inuu rabo inuu hor istaago qaraarkaan lagu doonayo in lagu meel mariyo in sanduuqa QM laga bixiyo dhaqaalaha ku bixi doona howlhalka AUSSOM.
Qorshaha Qaraarkaan ayaa ah in si loo helo dhaqaale degan oo joogto ah ay tahay in hada kadib sanduuqa QM laga bixiyo dhaqaalaha ku baxaya howlgalka Somalia ee AUSSOM.
Midowga Yurub ayaa dhankiisa balan qaaday inay bixinayaan 60 Milyan doolar oo ah kala bar 120-ka Milyan oo looga baahan yahay in lagu bixiyo howlgalka AUSSOM afarta sano ee soocota.
Sidoo kale waxaa jira shir lagu wado inuu ka qabsoomo Magaalada Doxa ee caasimada Dalka Qadar kaasoo isna looga hadli doono dhaqaale u raadinta howlgalka AUSSOM.
Si kastaba waxaa taagan cabsi laga qabo khilaaf u dhexeeya dalalka waa weyn ee dunida sida reer galbeedka inuu sababo fashil ku yimaada qorshaha ugu sahlan ee dhaqaalaha loogu heli karo howlgalka nabad ilaalinta Somalia kaasoo ah ansixinta ama meel marinta in sanduuqa QM laga bixiyo dhaqaalaha ku baxaya AUSSOM.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM