HomeWarkiiTaliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda oo Muqdisho soo gaaray+SAWIRRO

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda oo Muqdisho soo gaaray+SAWIRRO

May be an image of 4 people and textTaliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar” Ganeraal Khaalid” ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diirran ugu soo dhaweeyay Sareeye Guud Sam Okiding, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Uganda, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Uganda, iyadoo Sareeye Guud Okiding uu qeyb ka noqon doono dadaallada lagu dardargelinayo howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo kooxaha argagixisada ah ee caqabadaha ku haya nabadda iyo xasilloonida dalka.
Soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo la muujiyay muhiimada xiriirka milatari ee xooggan ee ka dhexeeya labada dal iyo kaalinta muhiimka ah ee dowladda Uganda ay ka qaadato nabadeynta iyo sugidda amniga Soomaaliya.
Booqashada Sareeye Guud Sam Okiding ayaa la filayaa inay xoojin doonto wada shaqeynta labada ciidan ee dhinacyada howlgalka, tababarada iyo istaraatijiyadda la dagaallanka Khawaarijta.May be an image of 8 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 8 people and aircraftMay be an image of 6 people and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 people, aircraft and text that says "DOMESTIC DCMESTICARRIVAL ARRIVAL 구입 TOY TOΥΟΤΑ"May be an image of 5 people, aircraft and textMay be an image of 2 people, dais, the Oval Office and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -