Wafdigii uu Hoggaaminaayey Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guut Cusmaan cabdulaahi Maxamed (kaniif) uu u wehliyo Taliyaha Hoggaanka Interpol S/guuto Maxamed Cabdulle Dhore ayagoo ka Qeyb galay Shirka Boliiska Dalalka Ku midoobay Urur goboleed EAPCCO oo maantay ku soo idlaadey Adis Ababa
Shirkaan ayaa ujeedkiisu ahaa amniga Dalalka EAPCCO iyo Xoojinta la dagaalanka Argigixisada sidoo waxaan looga hadlay sanadkaan in lasii xooji la dagaalaanka gaangista isticmaasha Lacag Dhaqiska
Markii uu shirka soo idlaadey T/xigeenka wuxuu si gaargaar ah ula kulmay Taliyayaasha Boliiska Dalal ku bahoobay EAPCCO .waxay isku afgarteen in ay iskaashi kayeeshaan la dagaalanka Argigixisada ,
Sidoo kale T/Xigeenka Wuxuu kulan gaar ah layeeshay Wasiirka Amniga Dalweynaha Shiinaha Ahna Chirman of Golobal Public Security Cooperation Forum-Lianyungang- Mudane Tsang Wai-hung oo Malgaaladaas u joogay Shirka amniga warbixino kadib waxay isla garteen in dalka Shiinaha uu Saraakiisha Boliiska somaaliyeed u ogolaadey Minxooyin waxbarasho oo leh Xirfado iyo heerar kala duwan taas oo muhiimad gaar ah u leh Taliska ciidan Boliiska Soomaaliyeed.








