Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabid Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu maanta soo dhigay barihiisa bulshada wuxuu kaga hadlay saameynta roobabii xalay ka da’ay Muqdisho,isagoona ku baaqay in loo gurmado dadka aan xalay seexan ee hoy la’aantu ku dhacday.
Qoraalka masuulkaani ayaa sidan u qornaa:-
Haddii aad xalay nabad ku seexatay, ogow shacab badan baa hurdo ladin oo ku waxyeeloobay roobkii xalay, hooy la’aan ku dhacday, walina xaalad adag ku jira, una baahan inaad garab istaagto.
Muwaadinow marka hore dariskaaga bariidi oo hooy sii halkii aad la sugi lahayd gurmad kale, adigaa gurmadka billaabi kara, Illaahayna wuu barakeeyaa qoyska u gargaara jiiraankiisa.
Waxaan ka codsanayaa dhammaan shacab, shirkad iyo ciidamada kala duwan in garab lagu siiyo maamulka Gobolka Banaadir gurmadka dadka danyarta ah maadaama lagu jiro xilligii gu’ga oo ay suurtagal tahay in roob mahiigaan ah saacad walba dib u di’i kara.
20ka Degmo ee G/Banaadir xarumo deg deg ah ha sameeyaan hana abaabulaan dhallinyarada degmada, dhaqaatiirta, ardayda, ganacsatada iyo qof kasta si aan qoysna roob cidlo ugu helin. Alle wuu barakeeya kuwa isku naxariista, iskuna gargaara.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu u dhib yareeyo dadka danyarta ah ee ku waxyeeloobay roobkii da’ay, Allahana u naxariisto intii ku dhimatay.
Allow mahad-badan, Allow magantaa!
