XIGASHO LAACIB.NET
Thiago Silva waxaa loo arkaa mid ka mid ah daafacyadii ugu tayada fiicnaa xilligii uu heerka sare joogay, isagoo ka soo ciyaaray kooxo waaweyn sida AC Milan iyo PSG. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu wali ka qoomameeyaa inuusan markaas aqbalin dalabkii Barcelona.
“Barcelona waxay ahayd kooxda aan mar walba ku riyoon jiray inaan u ciyaaro. Ka hor intaanan u wareegin PSG, Barça waxay ahaayen kuwa i xiiseynaya,” ayuu Silva ku yiri wareysigiisii ugu dambeeyay.
“Waxay ahayd go’aan adag sababtoo ah waxaan dhowaan cusbooneysiiyay heshiiskaygii Milan. Markii fursadda ay timid, si dhab ah ayaan uga fiirsaday,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Daafaca reer Brazil, oo haatan ku sugan da’da 40-aad, wuxuu u ciyaaraa kooxdiisii caruurnimada ee Fluminense. Wuxuu sidoo kale ku guuleystay Champions League isagoo Chelsea u ciyaaraya xilli uu xirfaddiisa ciyaareed ku dhawaaday dhammaadkeeda.