HomeWarkiiTirada dadka ku dhintay qaraxii Saaka ka dhacay Muqdisho oo sii kordhaya

Tirada dadka ku dhintay qaraxii Saaka ka dhacay Muqdisho oo sii kordhaya

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Warar dheraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxii maanta Muqdisho lagula eegtay dhalinyaro saf ugu jirtay is diiwaan gelinta ciidamo cusub oo Dowlada ay qoraneysay.

Tirada dadka ku dhintay qaraxaasi ayaa sii kordhaya waxaana ka soo baxaya warar kala duwan wararka qaar ayaa sheegaya in 20 ruux dhimashada ay sii mareyso,iyadoo 15 ka mid ay yihiin dhalinyaradii safka ugu jirtay inay is qoraan halka 5 kalana ay ahaayeen dad mooto bajaaj saarnaa.

Sidoo kale dhowr isbitaal oo Muqdisho ku yaal ayaa la kala dhigay dhaawacyada dadkii qaraxaasi uu sameynta ku yeeshay kuwaasoo xaaladoodu kala duwan tahay.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino lagu aasay halka ay socotay shaqada diiwaan gelinta halka warar kalana sheegayaan in qaraxu uu ahaa mid uu ka danbeeyay qof naftii halige ahaa.

Laamaha amaanka Dowlada Somalia gaar ahaan taliska Booliiska Gobolka Banaadir wali kama hadlin qaraxaani ,khasaaraha ka dhashay iyo cida ka danbeysa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of 13 people

May be an image of 14 people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -