Sida Warbaahinta Dalka Itoobiya qaarkood shaaciyeen Dowlada Itoobiya ayaa sheegatay inay qeyb ka leedahay guusha Nabada Somalia ee xiligaan gaar aahaan Magaalada Muqdisho.
Dowlada Itoobiya waxay si gaar ah u soo hadal qaaday in 30 sano kadib ciyaartoyda Afrika ugu caansan ay ku soo dhiiradaan inay kulan ciyaareed u yimaadaan Magaalada Muqdisho heerka nabada Somalia uu gaaray darteed.
“kaalin muhiim ah ayaan ka qaadanay in Sawirka Somalia qurxanaado xiligaan”ayaa lagu yiri warka Dowlada Itoobiya ka soo baxay.
Warbixin warbaahinta Dowladda Itoobiya baahisay ayaa lagu sheegay in 30 sanno kedib qabsoomay kulan xiddigo waawayn Muqdisho yimaadeen.
Dowlada Itoobiya waxay intaasi ku dartay in booqashada Muqdisho ee ciyaartoyda Afrika ugu caansan uu sawir qurux badan ka bixiyay Soomaliya, halka qalbi jab ku noqday kooxaha Alshabaab.
Dowlada Itoobiya inkastoo aysan sharaxaad dheeri ah bixin hadana waxay ku celcelisay inay guushaasi ay kaalin ku leedahay gaar ahaana imaan shaha xiddigahan Afrika ee Muqdisho.
Warka Dowlada Itoobiya waxaa kaliya lagu muujiyay in doorkooda uu ka mid yahay sugida amniga oo ay uga qeybqaateen dhanka diyaaradaha ,si kastaba lama oga sida ay Dowalda Faderaalka Somalia uga jawaabi doonto warka Itoobiya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM




