XIGASHO LAACIB.NET
Chelsea ayaa 3-1 ugu awood sheegatay Liverpool kulankii Premier League, taasoo fursad wanaagsan u siineysa inay ku dhammeystaan kaalmaha sare ee u qalma Champions League xilli ciyaareedka dambe.
Dhanka Liverpool, kabtankooda Virgil van Dijk ayaa ciyaarta kadib yiri: “Dabcan waan isku daynay, laakiin si fiican uma aanan ciyaarin. Sida aan u tababaranay, firfircoonida aan leheyn, qof walba wuu u diyaar garoobay, waan ogayn inay adkaan doonto mararka qaar.”
Van Dijk wuxuu intaas ku daray: “Waxaan sameyn kari lahayn si ka wanaagsan marka la eego difaac ahaan koox ahaan, laakiin berri waan falanqeyn doonnaa ciyaarta, waxaana isu diyaarin doonaa kulanka xiga.”
Liverpool ayaa wajihi doonta Arsenal 11-ka May, iyadoo la ogyahay in tababar iyo diyaargarow xoogan loo baahan doono si ay uga soo kabsadaan guuldaradan