HomeCiyaarahaVan-dijk oo caddeeyay in uusan qorsheyneyn in uu mustaqbalkiisa ku………..

Van-dijk oo caddeeyay in uusan qorsheyneyn in uu mustaqbalkiisa ku………..

XIGASHO LAACIB.NET

Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa si cad u sheegay inuusan qorsheyneyn inuu ku soo laabto horyaalka Eredivisie ee waddankiisa Netherlands si uu halkaas ugu dhammaysto xirfaddiisa ciyaareed.

Van Dijk oo xirfaddiisa heerka sare ka bilaabay kooxda FC Groningen isla markaana uu ka soo baxay akadeemiyada Willem II, ayaa sheegay inuusan ka fiirsaneyn inuu mar kale ku laabto horyaalka Dutch-ka. Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id ka hor ciyaarta isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Netherlands la ciyaarayso Malta, taasoo ka dhici doonta garoonka Euroborg ee Groningen — garoon uu ku ciyaaray markii labaad tan iyo markii uu ka tagay kooxdaas.

Wuxuu yiri:

“Maya, nasiib darro ma aha. Waxaan ahay mid arrintan si buuxda u caddeeyay. Kuma soo laaban dooni Netherlands. Waxaan halkaan ka bilaabay xirfaddayda taasna muhiim ayay ii ahayd, laakiin ma doonayo inaan ku soo laabto Eredivisie.”

“Waxaan aad ugu faraxsanahay sida aan ilaa hadda u ciyaaro, waxaana aaminsanahay in aanan kusoo afjari doonin mustaqbalkeyga ciyaareed Netherlands,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Van Dijk ayaa bishii Abriil qalinka ku duugay heshiis laba sano ah oo uu ku sii joogayo Liverpool ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka 2026/27.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -